Intee Socon kartaa taageerada Maraykanka ee Israaiil?

Xigashada Sawirka, REUETERS Markabka diyaaraha qaada ee Maraykanka. 25 Oktoobar 2023 Mareykanka ayaa ku celiyay taageerada shuruud laaanta ah ee uu siinayo Israaiil oo ay ugu weyn tahay gargaar milateri, balse dhaawacyadii colaadihii hore ee gobolka ayaa weli ah kuwo cusub.

25 Oktoobar 2023

Mareykanka ayaa ku celiyay taageerada shuruud la’aanta ah ee uu siinayo Israa’iil oo ay ugu weyn tahay gargaar milateri, balse dhaawacyadii colaadihii hore ee gobolka ayaa weli ah kuwo cusub.

Xaaladdan oo kale, intee bay le'eg tahay faragelinta Ameerika ee arrintan?

Falcelintii ugu horeysay ee Madaxweynaha Maraykanka Biden isla markiiba ka dib weerarkii Xamaas ee Israa'iil ayaa si cad u sheegay cidda ay dhinaca saartay. Waxa uu sheegay in Maraykanku uu garab taagan yahay Israa'iil.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi. “Haddii uu qof u malaynayo in uu ka faa’iidaysan doono fursadda, waxa aan odhan lahaa xataa ha moodin.”

Hanjabaadda ayaa si cad ugu wajahnayd Iran iyo xulafadeeda gobolka oo si dadban ugu leh saamayn xiisada ka dhex taagan Israa’iil iyo Falastiin.

Pentagon-ka ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq iyo Suuriya dhowr jeer la weeraray maalmihii la soo dhaafay.

Markab dagaal oo Mareykanka uu leeyahay oo ku sugan badda cas ayaa qabtay gantaallo laga soo tuuray Yemen oo loo ganay dhanka Israa’iil.

Maraykanka waxaa hore ugu joogay markab dagaal bariga Mediterranean-ka waxaana dhawaan loo soo dhaqaajiyey kuwo kale oo ku biiraya

Mid kasta oo ka mida maraakiibta diyaaraha xambaara ee maraykanka ayaa ayaa qaadi kara 70 diyaarad oo nooca dagaalka ah taas oo la micna ah hub xoog leh.

Madaxweyne Biden waxa uu sidoo kale shegay inay u diyaar u yihiin kumannaan askari oo Maraykan ah in ay u dhaqaaqaan gobolka haddii loo baahdo.

Maraykanku waa caawiyaha militari ee ugu weyn Israa’iil isagoo sanadkii siiya 3.8 bilyan oo dollar oo gargaar hub ah.

Ku tiirsanaanta Israa’iil ee Maraykanku waa mid cad, diyaaradaha dagaalka ee duqeymaha ka geysta Qasa ayaa ah kuwa laga leeyahay dalka Mareykanka.

Sidoo kale waxaa inta badan diyaaradaha hadda la adeegsado ku rakiban hub casri ah. Sidoo kale hanaanka difaaca gantaalaha ee ay Israa'iil adeegsanayso ee ah Iron Dome iyaguna waa kuwa lagu sameeyo Maraykanka.

Maraykanka ayaa durba u diray sahay dheeraad ah ka hor codsiga Israel ee ah rasaas iyo hub dheeri ah. Sidoo kale Jimcihii, Madaxweyne Biden wuxuu ka codsaday Congress-ka inay ansixiyaan $ 14 bilyan oo ka mid ah $ 105 bilyan ee gargaarka milatari ee loo qoondeeyay xulafada Bariga Dhexe.

Maalintii xigtayna Pentagon-ku wuxuu ku dhawaaqay inuu u diri doono Bariga Dhexe laba ka mid ah hababka difaaca gantaalaha ee ugu awoodda badan oo ay ku jiraan Terminal High Altitude Area Defence (THAAD) Battery iyo Patriot.

Laakiin madaxweynaha Maraykanku dhab ahaantii diyaar ma u yahay inuu galo dagaal kale, gaar ahaan sannadka doorashada ee madaxtinimada Maraykanka?

Kaalmadii militari ee ugu danbeysay ee uu gaarsiisay xulufadiisa gobolka waxay caddaysay inay Maraykanka kharash badan ku bixinayaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo nolosha Maraykanka.

Michael Oren, danjirihii hore ee Israel u joogay Mareykanka, ayaa aaminsan in Madaxweyne Biden uu horey u qaaday talaabadii ugu horreysay ee uu markabka diyaradaha xambaara ugu diray gobolka.

“Hubkan oo kale ma soo saartid ilaa aad diyaar u tahay isticmaalkiisa mooyee” ayuu yiri Oren.

Laakiin Seth G. Jones, oo ah agaasimaha amniga caalamiga ah ee xarunta istaraatiijiyada iyo daraasaadka caalamiga ah ee Washington, ayaa sheegay in Maraykanku uu aad uga war-wareegayo inuu si toos ah ugu lug yeesho militari ahaan dagaalka Qasa.

“Joogitaanka markabka diyaaradaha xambaara faaiido ayey leedahay xitaa haduusan xabad ridin. Taas oo ay ugu wacan tahay awoodda ay u leeyihiin in ay uruuriyaan xogta iyo bixinta difaaca hawada. Faragelin kasta oo toos ah waxay noqon doontaa dookha u dambeeya ee Maraykanka.” ayuu yidhi.Jones.

Khatarta ugu horraysa waxa ay ka imanaysaa waqooyiga Israa’iil, gaar ahaana kooxda Xisbullah oo hadda dhibaato ku haysa Israa’iil iyo Maraykanka.

Kooxaha ay Iran taageerto ayaa Qasa ku haya khatar ka weyn tan Xamaas. Waxa ay haysataan ilaa 150,000 oo gantaal oo ka awood badan kana saxsan kuwa ay isticmaalaan Xamaas. Waxayna mar hore rasaas is weydaarsadeen Israa’iil.

Laakiin sida muuqata Maraykanku uma isticmaali doono awooddiisa hawada ee weyn si uu u weeraro bartilmaameedyada gudaha Lubnaan. Si kastaba ha ahaatee ma jirto calaamad tilmaantay in Maraykanku ciidamadiisa u diri doono Israa'iil.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo xoghayaha difaaca Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay in Mareykanka uu ka jawaabi doono xaaladdan oo kale haddii xaaladdu ay sii xumaato ama haddii ciidamada Mareykanka ama dadka rayidka ah la bartilmaameedsado.

Lloyd Austin ayaa Axadii sheegay in Maraykanku uu xaq u leeyahay in uu is difaaco oo aanu gabi ahaanba ka labalabayn in uu qaado tallaabo ku habboon" arrintan.

Waxa uu sheegay in haddii Xisbullah oo ka socota Lubnaan ay isku daydo inay weerarto waqooyiga Israa’iil ay la kulmi doonto fal-celin aad u daran.

Si kastaba ha ahaatee Israa'iil kama codsanayso Maraykanka inuu si toos ah gacan uga geysto dagaalka lagula jiro Xamaas.

Danny Orbeck, oo ah Prof taariikhda milatariga ka dhiga jaamacadda Cibraaniga ee Jerusalem ayaa sheegay in fikirka milatari ee Israa’iil uu yahay in ay yeelato awood ay isku difaacdo.

Booqashadii Madaxweyne Biden ee Israa’iil ayaa si cad u sheegtay in taageerada Maraykanka ee Israa’iil ay ku xidhan tahay.

Maraykanka ayaa rajaynaya in taageerada milatari ee uu siiyo Israa’iil iyo kordhinta ciidan ee ay gobolka ka wadaan ay wax weyn ka tari doonto joojinta colaadda.

ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6JmmqqknrCtsdJomrOpZ6vGdMWQa2uo

 Share!